Dumarka guurka lagu khasbo oo laga qaadayo Lacagaha Kharashaadka ah ee lagu soo badbaadiyo

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska ayaa bixisay amar ku saabsan in dhibaneyaasha wajaha guurka khasabka ah ay dib u bixiyaan lacagaha la amaahiyo ee loo adeegsado badbaadintooda.

Baaritaan uu sameeyey wargeyska Times ayaa lagu ogaaday in dhibaneyaashan aysan badanaa awoodin inay iska bixiyaan kharashka diyaaradda, cuntada iyo adeegyada kale ee ay u baahanyihiin xilliga ay doonayaan inay dib ugu soo laabtan dalka UK.

Xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegay in sharciga dowladda uu yahay in dadka dhibaatadan la kulma ay heli karaan caawinaad degdeg ah.

Xildhibaanada UK ayaa sidoo kale cambaareeyey dhaqankan ku saabsan guurka khasabka ah.

Sida lagu sheegay warbixinta uu soo saaray Times, dhibanayaasha guurka lagu khasbo ee u dhashay UK ayaa xilliyada ay ku suganyihiin dalalka kale la kulma dhibaatooyin dhanka kharashaadka ah, kuwaasoo ku khasba iney halkaas sii joogan.

Dowladda UK ayaa ka caawin jirtay dhibanayaasha sidii ay ku heli lahaayeen lacagaha ka yaalla gudaha dalka ama kuwa ay ku taageeraan asxaabtooda oo kaliya.

Balse waxaa dhacda in mararka qaar aysan lacago u oollin dalka, dowladduna waxay u ogoshahay oo kaliya iney qaatan deyn deg deg ah taasi oo ay dib u bixin doonaan marka ay guryahooda ku soo laabtan.

Warbixin ka soo baxday xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa lagu sheegay in dowladda ay ka qayb qaadatay dib u soo celinta dad gaaraya 27, sannadkii 2017-kii.

.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dhibaneyaasha sannadkii hore la caawiyey ayaa waxaa ka mid ahaa 7 gabdhood oo lagu xiray xarun ku taalla Soomaaliya.

Afar ka mid ah gabdhahaas waxa ku baxday lacag gaaraysa 740 gini oo lacagta Ingiriiska ah.

Hase yeeshe, lacagahii ku baxay ayaa ahaa kuwo deyn ah, iyagoo laga doonayo iney isbuuc walba bixiyaan 5 gini.

Xafiiska arrimaha dibadda waxa uu leeyahay xubin u xilsaaran ka hortagidda guurka khasabka ah.

Afhayeenka u hadashay wasaaradda ayaa tiri, “UK waxa ay safka hore uga jirtaa dagaalka ka dhanka ah dhaqankan argagaxa leh.”

iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey intaas ku dartay: “Dhibaneyaasha ugu badan ee wajaha guurka khasabka ah ayaa ah dad nugul, inaan ammaankooda sugnana waa muhiim, waana xil na saaran”.

“Waxa la ogyahay in lacagaha deymaha ah ay qofka caawin karaan xilliga uu ku sugan yahay marxalado xun, balse lacagahan la amaahiyo dadkan ayaa ah canshuuraha laga soo aruuriyo shacabka marka waa in dib loo soo celiyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here