Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaliya oo u dhoofay Dalka Jordan Halkaas Oo Lagag Hadlaayo Is-Bedelka Cimillada adduunka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka.

 Shirkan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka  cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha  caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here