Madaxweyne Farmaajo Erayo jees jees ah ku weerarray xildhibaannadii mooshinka ka keenay sanadkii hore

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa erayo u muuqday jees jees laakiin uu ku sheegay in ay kaftan ahaayeen hawadda u marayay xildhibaannadii mooshinka ka keenay.

 Madaxweynaha oo markii ugu horeysay ka hadlay mooshinkii dhawaan laga keenay ayaa sheegay in xildhibaannadda mooshinka soo gudbiyay ahaayeen kuwo ka tirsanaa dowladdii Qabyo…. Sidaa daraadeed mooshinkoodana uu ahaa mid Qabyo oo aan dhameystirneyn.

Waxaana uu yiri madaxweynuhu’’ Markii aan ka war helay Mooshinka waxaan soo wacay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo waxaan ku Iri…Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, see wax u yihiin, wuxuu i yiri waa i hor-yaalaa.. waxaan Iri sidee ayuu u egyahay.. Wuxuu Igu yiri aan kugu soo celiyo, warqadihii ayuu rogrogay… wuxuu i yiri nambrkaas waaye, waxaa ku iri yaa ka dambeeya, wuxuu i yiri waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo Qabyo.. Ma Qabyada isla ogeyn, waa Qabyo, waxaa ku ogeyn wax walba in ay qabyo uga tagaan bal fiiri hadduu mooshinka dhan yahay, dib buu u fiiriyay, wuxuu arkay saxiixyo la saxiixay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018, waxaan ku iri see ay isku waafaqeysa, wuxuu yiri, waxay arkayeen waxa soo socda sanad ka bacdi, waxaan ku Iri qalad kale maku jiraa, wuxuu yiri saxiixa waxaa ka maqan taariikhda, waxaan ku Iri sidee taariikhda qofka ku iloobay, waxaan ku iri maxaa kaloo ku jira, waxaa kaloo ku jira dad kaloo xanuunsan oo dibadaha jira oo aan ka warqabin waxa socda”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri waxaan ku Iri guddoomiyaha oo maxey tahay arintan maxaa looga dan leeyahay ilee waa Qabyee… Wuxuu igu yiri waxey leeyihii Qabyo Ninkeedaa dhameystira…Waxaa ku Iri taasi sow 2016kii ma aheyn… Wuxuu igu yiri Maya ee waa 2019….Waayahay ee Maxey rabaan ayaa ku Iri guddoomiyaha….Wuxuu igu yiri waxey rabaan in guddiga hanti isku celinta lagu darro si ay iyagu u maamulaan…in ay ka shaqeeyaan Isku soo dhawaanshaha Shacabka iyo dowladda…In ay dhameystiraan heshiisyaddii horey u jiray….In Kanaalkii aan sheegay ayaan dhaweyd ee aan soo xiray loo soo daayo oo Beerta lagu fasaxo…Waxey rabaan ayuu yiri in ay ka shaqeeyaan hufnaanta Dhaqaallaha…In ay ka shaqeeyaan oo ay joogteeyaan bixinta Mishaarka…Tan ugu danbeysa waxey doonayaan in ay soo celiyaan sharafkii Umadda Soomaaliyeed.. ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynaha.

Inkastoo madaxweynaha markii uu khudbadiisa bilaabay sheegay in uu kaftamayo.. haddana dhinaca kale waxaa muuqata in madaxweynuhu weerar toos ah ku qaaday xildhibaannada ka soo horjeeda hoggaankiisa ee ku jira Golaha Shacabka.

Xildhibaannada madaxweynaha mooshinka ka keenay sanadkii hore laakiin markii danbe ka tanaasulay ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu gallay Qiyaanno Qaran kuna xad gudbay sharuucda dalka sidaa daraadeed mudan yahay in uu xilka isaga taggo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here