DEG DEG Maxaa Warar Ka Soo Baxay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

Hargaysa(Raadgoob) Warar ka imanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo lagu qaaday dhismo ay ku yaallaa hoteello iyo xafiisyo.

 Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab oo afhayeen u hadlay uu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen wax uu ugu yeeray howlgalka laga fuliyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay gudaha u galleen dhismaha la weeraray, waxaana la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha warkan goor dhaw ayaan idin la wadiigi doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here