Qarankeena haday xaraan noqoto in dhaliisha jirta la sheego xaraan bay noqonaysaa in uu horumar iyo horu kac uu hawaysto (qora Jeylani mohamed haji ahmed)

Xaqiiqatan abwaan C/raxaan (Abees) gabayga uu kaga hadlay xalada dhabta ah ee ka jirta guud ahaanba xabsiyada somaliland gaar ahaan saldhigyada booliska waa mid xaqiiqa ah waa mid dhabnimadeedu biyo kama dhibcaan ay tahay waxanan odhan karaa abwaanku waa uu dulka xaadiyay balse dhibatada iyo tacadiyada iyo gefafka aan lala gaban ee booliska shacabka ugu gaystaan saldhigyadu way badanyihiin waxanay noqdeen qaar soo dahiray oo bulshada somaliland ay inta badan marag iyo markhaati ka tahay
intooda badana ay si dhab ah u soo martay waxan marar badan oon mar iyo lababa ka badan aan kala kulmay saldhigyada booliska dhacdoyin aan wali xasuusto oo ahaa tacdi iyo cadalad daro baahsan
oon leeyahay  cid looga dacwoodo iyo cid lagaga irkadaaba waxaanay arintaasi ka mid tahay meelaha qarankani ka caqiran yahay haatana uu ka dhitinayo hadaynu dib u milicsano mishkilad kasta oo amni daro ah oo dhacda inta badani waa qaar ku sababan booliska kana timaada ku tagrifal awoodeed oo dulmi loogu gaysto muwadiniinta reer somaliland laguna dulmo qof laga xaq darnaa kii xaqa daranaana ka dhigta mid xaq leh
taasina waata keenta dilalka iyo mashaqooyinka nabad galyo xumo ee dalkeena inta badan ka dhaca goboladiisa kala duwan Waxaan u arkaa inaaynay khayr u lahayn somaliland in qofka waqiciga jira iyo dhabta sheega loo arko qas wade ama fitna wade xaalad abuur ah
wana hubaal in aanay tani qarankan ugu filnanayn dib u dhac laf jab iyo guul daro waxan ahayn faaiidona ugu jirin shaki kuma jiro in booliska somaliland dib u habayn wayn u bahan yahay una baahi qabo in sal iyo baar sharciyada iyo wajibadka saran askariga iyo sarkaalka booliska ah la baro intaan loo dirin u adeegida bulshada
gabagabadii Abwaan c/raxmaan Abees xadhiga loo gaystay shaqsiyan waxaan u arkaa mid gef iyo mmeel ka dhaca mid aan loo meel dayin isla markaana ku ceeb ah nidaamkeena dowladnimo iyo Dhok mana tariyadeena aynu sheegano…
Gud. Xisbiga kulmiye ee isutaga carabta
 
Jeylani mohamed haji ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here