Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
 Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ,mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha xukuumadda Puntland iyo dadweyne tiro badan
Madaxweynaha waxaa kaga soo horreeyay magaalada Garoowe, wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo xildhibaanno labade gole ee Baarlamaanka ka kala socday
Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka qaybgalaya xafladda caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.
Waa markii labaad ee madaxwayne Farmaajo ,  uu yimaado Puntland tan iyo markii xilkaasi uu qabtay, waxaana booqashadiisii hore uu ku yimid Puntland 7dii bishii Jannaayo ee sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here