10 Tallaabo Oo Ku Sahlaya In Riyadaadu Kuu Rumowdo

Hargeisa (Aqoonside) Dhamaanteenba waxaynu waqti ku bixinaa ka firkirka waxaynu rabno amaba aynu doonayno iyo sidii aynu u gaadhi lahayn, sidaa awgeed waynu qorshaynaa, waxaanaynu ku dhaqaaqnaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah sidii aynu u gaadhi lahayn yoolkaas. Hadaba waxa jira wadooyin kala duwan oo aad ku gaadhi kartid heerka aad rabit, hadii raacdid 10kan tallaabo ee daryeelmagazine.com ay halkaan hoose kuugu soo gudbinayso, riyadaada waxaad u badalaysaa xaqiiq waana la hubaa insha Allah:

Naftaada ahaw: Adigu waa adiga oo kaliya, ka faaidayso arinkaas, waxaad ku sifaysan tahay maskax badan, qurux badan, garaad badanm, hase ahaatee awoodaada ha ku bixin si aa aad ula mid noqotid cid kale. Waxaad ogaataa cida aad tahay, adiga oo adiga ku xisaabtamaya, waqti ku bixi in aad wax kaste u fiirsatid, ka shaqee sidaad naftaada u hagaajin lahayd, marnaba ha joojinin inaad ka fikirtid sidii aa kaligaa u gaadhi lahayd waxaad rabtid, adigoon cidna ku dayanm, dameeri dhaan raacday na noqon.

Ku Kalsoonoow Naftaada: Kalsoonida waa la kasbadaa ee laguma dhasho, dadkan aynu garanayno ee ay kalsoonidu ka buuxdo nafahoogana warwarka ka ilaaliya, wax dhibaata ahi aan kala kulmin la qabsiga meelkaste oo ay ku suganyiin iyo goorkaste oo ay joogan waxa weeye dad kalsoonidooda ku kasbaday ilaahay tala saarasho iyo nafahooga oo ay rabeeyeen.

Dadka u dabac sanaw: Waxa lagama maarmaan ah in aad ahaatid mid dadka u dabacsan, aad jeclaatid adigoo rumaysan inuu arinkani ku anfacayo amba aan rumaysnayn, waxaad dareemi doonta inaad xidhiidh fiican la leedahay, waxaad dareemi doontaa karaamo ku dhex leedahay, hadii aad wax kale u qaban kariwaydo dadka u dhoola cadee.

Shaqo Adag: Qabo shaqada aad qabanaysid adiga oo adeegsanaya khibradaada iyo waxaad taqaanid, iskaga dheeranaya waxa aad aqoon u lahayn.

Samee waxaad jeceshay inaad samaysid: Hadii aad jeceshahay shaqada aad qabanaysid, lacag kasteba aad ku qaadatide waxay natiijadu noqonaysaa nolol quruxbadan, u adeegso jacaylka aad u qabtid shaqadaada si aad u dadaashid, waxa laga yaabaa in waxaad qabanaysid adigoon shaqo uga jeedin ay marka dambe shaqo rasmi ah kuu noqoto, waynow ama yaraw, farxadu waxay ku jirtaa inaad qabatid waxaad jeceshahay.

Jooji Ashkatada: Hadii aad adigu jeclayn waxaad qabanaysid adigu badal, iyada oo wax kaste aanaynu badali karin inagu, balse wax yarna ha noqotee waynu dhaqaajin karnaa, waa inaad naftaada ka reebtid ashkatada iyo calaan calka, waa inaad jeclaataa waxaad ku sugan tahay.

U foojignaw naftaada: Caafimaadka naftaadu waa masuuliyad adiga ku saaran, waxaanuu ku jiraa gacantaada, naftaada u samee waqti aad nafisto, ciyaarto sport, maydhato, wax akhrido, u kala lugayso meelo aad u kalafog,hadaba daryeelmagazine.com ayaa ku leh dhamaan waxyaabahani waa lagama maarmaan si aad u gaadho guusha aad raadinayso.

Dhag ha u dhigin kuwa ku dhaleecaynaya: Waxaad arki doonta dad badan oo ku dhaleecaynaya, iyo qaar kale oo ku amaanaya, kaliyaata waxaad diirada saartaa niyadaada iyo waxaad jeceshay inaad qabatid oo samaysid.

Hugaaga ka dhigo sabirka: Waxaa jiraa waxyaabo dhacaya waqti aad adigu doonayn, iyo qaar kale oo kasoo horjeeda, hase haatee sabir aad ku sifaysnaatid ayaa laga yaaba in uu wax ka badalo qorshahaaga oo uun kaba sii fiicnaado sidaad u malaynaysay markii hore, sidaa awgeed waa inaad balaadhisaa diirada aad wax ku eegaysid.

Farxad (Ku raaxayso waxaad qabanaysid): Hadii aad dareemayn farxad, waamaxay qorshahaaga kan xigaa dabadeed, shaqada waxaad u qabataa inaa jeceshahay hase ahaate ha u qaban shaqo ahaan, adiga ayaa dooran kara wax markaste ood qabanaysid kaa farxiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here