11 Sifo Oo Lagu Garto Gabadha Wanaagsan Ee Ku Haboon In Lala Saaxiibo

Hargeisa (Aqoonside)  gabadha waa barka mujtamaca waxaana lagama maarmaan ah inay gabadha muslimada ah tahay mid ka soocan gabdhaha gaalada hadaba maxay tahay sifaadka gabadha ku dayashada mudan ismarkaana ay wanaagsantahay in lala saaxiibo:

1-CAQIIDO: gabadhu waa inay ahaataa mid ku dhagan diinteeda caqiidadeeduna noqotaa towxiidka iyo manhajkii rasuulka (swc)

2– AQLAAQ: gabar akhlaaqbadan

3-XIJAAB: inay tahay mid xijaabkeeda dhowrata oo aan muujinin jirkeeda kasoocan gabdhaha gaalada .

4-TASHABUH: gabadha inay shabahdaa gabdhihii wan wanaagsanaa sida saxaabiyaatkii iyo umahaatul mu,miniin ,isla markaana aysan gabadha muslimka ah isu shabihin gabdhaha gaalada .

5-DHOWRSANAAN: gabadha waa inay ka dhowrsanaataa wax walba qaasatan raga aan maxramkeeda aheyn .

6-XISHOOD: gabadha waa inay ku sifowdaa xishood xishoodku wa huga dumarka waana iimaanka qeyb ka mid ah .

7-BAARIYAD: waa inay gabadhu ku sifowdaa baarinimo waa inay u baarinimo samaysaa labadeeda waalid sidoo kale haday leedahay zowj waa inay asna u baarinimo samaysaa waana sifaadka gabdhaha saalixiinta .

8-USACYINTA KHEYRKA: inay mar walba usacyidaa kheyrka iyo islaaxa umada.

9-IXTIRAAM: waa inaad noqotaa gabar yahay mid ixtiraam badan ixtiraamtaa dadka oo dhan yar iyo weynba.

10-DABEECAD: gabar dabeecad wanaagsan dhaqan qurxoon dhaqankeeduna yahay kan islaamka .

11-naajixad: gabadha ku dayashada mudan waa tan nolosheeda aduunyo iyo mida aakhiraba tahay naajix.

W/Q: Sumaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here