Ma Rabtaa Inaad Noqotid Haweeney Guulaysata? 9-kaan Tallaabo Raac

Hargeisa (Aqoonside)  Wali naftaada mala istaagtay oo ma weydiisay inaad tahay haweeney naaajixad ah ? Mase raadinaysaa najaax mase nafta ayaad u deysay inay kuu wado meesha ay doonayso?.

sida looga bartay gabdhaha qaar najaaxa waxey uga soo tageen albaabka jaamacada ama madarasada xiligaa oo ay u arkayeen inay ku najaxaan daraasadooda si ay u helaan camal.

Waxaa waajib ku ah gabadha muslimada ah inay raadiso guusha dhabta ah waa inay raadisaa guusheeda aduunyo iyo kan aakhiro guusha gudaha iyo kan banaanka intaba .

Waxaan mowduucani ku soo qaadanaynaa dhoor arimood oo ay gabadhu ku noqon karto naajixad ama mid guulaysatay :

1- Arinta koobaad waa inaad noqotaa mumayazad:

*waa inay mumayazad ku ahaataa iimaankeeda, sameenta dhaacaadka rabi, inay kahartaa munkaraadka .
*sidoo kale waa inay gabadhu mu mayazad ku ahaataa acmaasheeda gudaha iyo dibadba .
* inay hagaajisaa calaaqaadka kala dhexeeyaa dadka kale.

2-tan labaad waa inaad xadidaa hadafyadaada: hadafku waa inuu yahay mid cad xadadanyahay taariikh leeyahay mira dhal yahay .
*hadafka wuxuu u kheybsamaa laba qeybood :-

-hadaf diini ah: sida aqrinta qur,aanka kariimka iyo xifdintiisa inaad u khidmayso diinta inaad raadiso meel walboo cilmi diini ah yaalo iyo wixi la mid ah.
-hadaf shakhsi iyo ijtimaaci ah: sida inaad kor u qaado mustawahaaga cilmiga iyo inaaad waqti siiso sayiga iyo aqribada iyo waliba caruurta.

3-Tan sadaxaad inaad u ratibato amuurtaada sida ay u kala horeyso : inaad u qeybiso amuurta wax muhim ah iyo waxaan muhim aheyn iyo wax daruuro ah iyo waxaan daruuro aheyn wax dagdag loo rabo iyo waxaan loo dagdagsaneyn , inaad ka fogaato caajiska si aad u najaxdo una gaarto hadafkaaga .

4-Tan afraad jadwal:waa inaad leedahay jadwal nololeed jadwal ku saleysan waqtigaada kan ad markaa joogto iyo kan soo socda. U qeybi jadwalkaada sidan:

-jadwal ku saleysan noloshaada oo dhan: kaasoo aad ku qorayso ahdaaftaada waa weyn.
-jadwal shansano ilaa toban sano : kaas oo aad ku qorayso waxa kugu muhiimsan ee ad rabto inaad qabato sandahaa soo socda.
-jadwal sanadeed : oo aad ku qorayso barnaamijka sanadkaa ama hadafka aad rabto inaad ku najaxdo sanadkaa.
-jadwal bileed: oo aad asna ku salaynayso barnaamijkaada bishaa aad rabto inaad xaqiijiso.
-jadwal isbuucle ah :oo aad asna ku diyaarinayso wax walba oo aad rabto isbuucaa inaad qabato.
-jadwal maalinle ah oo asna aad ku ratibayso waxa aad rabto maalinkaa inaad ka shaqeyso .

5-Tanshanaad adkayn: waxaad hadafkada ku adkayn kartaa inaad gaarto oo aad ku najaxdo jadwalka noloshaada :

-marka hore inaad ilaahay ukaalmo weydiisato una tala saarato howshaada inta aadan bilaabin ka hor.
-inaad xadado waqtiga aad bilaabayso shaqadaada iyo waqtiga aad dhamaynayso.
-ku fakar kaliya inaad ku najaxayso shaqadaada hadafkaagana gaarayso haku fakarin carqalaadka kaa hor imaan kara.
-adeegso asloobka dodobada daqiiqo : hadaad shaqooyinka qaar aad ka shakisan tahay ma qabataa mise? Isa soo hor dhig cinwaanka shaqada qaado mudo todoba daqiiqa ah kafakar marabtaa inaasamayso mase hadii todobadaadaqiiqo gudaheeda ay kuu soo baxdo inaad ku dhaqaaqdo ku dhaqaaq haday dodobada daqiiqo dhamaato adoo laba labaynayana ka har oo haku fakarin shaqadaa .

6- Tan lixaad waqtikaaga maamul : waqtigaada ku salay jadwalkii iyo ahdaaftii kuu daganayd :
-dib u raajac jad walkii aad soo dajisatay iyo ahdaaftaadii ka dib u qaybi waqtigaada.

— xifdi waqtiga oo yuusan kaa dayacmin.
-ha isu dhiibin wax yaabaha dagdagta kuugu soo kordha oo yuusan kaa qaldamin jadwalka marna ha u ogolaan in cid kale kaa mashquuliso jadwalkii maalinkaa kuu dagnaa ilaa waxaa huriweyso mooyee.
– waqtiga ku darso haamish aad u banayneyso wax yaabaha kugu soo kordhi kara ee daruurada noqon kara.

7-Tan todobaad fakarkaagu inuu noqdo fakar saliim ah: side oga dhigi kartaa fakarkada ii jaabi?

*inaad qabsato xariga ilaahay.
*inaad rajeyso kheyrka .
*nolosha inaad u qaadato daganaan iyo fududeyn.
*inaad xasuusnaato mar walbo nimcada ilaahay .
*inaad akhlaaqdaada wanaajiso iyo dabeecadada hadaladaadana aad qurxisaa .
*ha u ogolaan in mashaakilka kaa adkaado lakin u dagdag inaad xal u raadiso.
*inaad raadiso wax yaabaha ii jaabiga ah adkeysana markaad hesho.

8-tan sideedaad inaad isku miisaanto: inaad isku misaanto ahtaaftaada waqtigaada iyo jadwalkaada intaba .

-sidoo kale inaad isu miisaanto caqligada iyo caadhifadaada.

9-tansagaalaad inaad ladagaalanto nafta: sideed oola dagaalamaysaa nafta?

-inaad ladagaalanto cadowga nafta oo ah SHEYDAAN .
-sidoo kale inaad nafta ku tarbiyeysaa sabarka.
-inaad ka fogaato inaad nafta u qiilbixiso .
-inaad ka fogaato inaad qadato fakir qofkale barnafta inay la timaado afkaarteeda.
-ha isu dhiibin fashilka lakin isku day wax kabadan toban jeer ilaa aad gaarto hadafkaada oo aad guulaysatid.
Intaa hadaa la timaad gabaryahay ogow waxaad tahay qof guulaystay.

W/Q: Sumaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here